SOMhelp 

Taageero joogto ah, guul joogto ah! 

 Unser Aufgaben / Hawlaha aanu qabaneyno 

 

Qeybaha Xaraynta Sharciyada

  

  1. Xaraynta Dhalashada: Codsiga muwaadinimada.
  2. Xaraynta Deganaanshaha: Ogolaansho lagu noolaado dalka.
  3. Xaraynta Fiisooyinka: Fiisada waxbarasho, dalxiis, shaqo.
  4. Xaraynta Racfaanka: Dib-u-eegista go'aamada diidmada sharciyada.


Adeega Bulshada 

1. Helida Guryaha: Caawinta helitaanka guri kugu habboon. 
2. Helista Laysinka wadista gaadiidka


Bixinta Macluumaadyada Sharciga

  • Waxaanu bixinaa macluumaad iyo khayraadyo muhiim ah oo gacan ka geysanaya in xubnaha bulshada ay si fiican u helaan adeegyada ay u baahan yihiin, sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada sharciga.



Kaalinta Looyarada iyo Turjumaanada

  • Looyarada: Waxay caawiyaan macaamiisha inay diyaarinta dukumiintiyada, buuxinta foomamka, iyo bixinta talo sharciyeed ku saabsan sida ugu wanaagsan ee codsiga loo diyaarin karo.
  • Turjumaanada: Waxay ka caawiyaan dadka aan si fiican ugu hadlin luqadda rasmiga ah inay si sax ah u fahmaan oo u buuxiyaan dukumiintiyada.


Unser Motivation

 



 
Taageerada Isdhexgalka:

  • Waxaanu bixinaa adeegyo caawimaad ah si ay dadka Soomaaliyeed ugu dhex milmaan nolosha Jarmalka, oo ay ku jiraan tababaro iyo aqoon isweydaarsiyo ku saabsan dhaqanka, luqadda, iyo nidaamka bulshada ee Jarmalka.

Macluumaad iyo Kheyraad:

  • Waxaanu siinaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo arrimaha sharciga. Ujeedkeenu waa inaan dadka Soomaaliyeed ka caawino inay helaan adeegyada loo baahan yahay iyo inay fahmaan hababka iyo shuruucda Jarmalka.

Dhisidda Xiriirro Bulsho:

  • Waxaanu qabanqaabinaa dhacdooyin iyo kulamo bulshada loogu talagalay si loo dhiso xiriirro adag oo dhex mara xubnaha bulshada Soomaaliyeed. Tani waxay gacan ka geysaneysaa in la helo taageero bulsho oo xooggan.

Fursadaha Horumarinta:

  • Waxaanu abuurnaa fursado loogu talagalay kororka xirfadaha iyo helitaanka shaqooyinka, sida tababarada xirfadeed iyo talooyinka shaqo. Ujeedkeenu waa inaan taageerno bulshada Soomaaliyeed si ay u gaaraan horumar shaqsiyeed iyo xirfadeed. 

 Somhelp 

waa urur bulshada Soomaaliyeed ee Jarmalka, ujeedadiisuna waa inay taageero iyo adeegyo ka bixiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Jarmalka. Ururku wuxuu bixiya adeegyo kala duwan oo gacan ka geysta isdhexgalka bulshada iyo horumarinta nolosha xubnaha bulshada. Haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato ama aad ka faa’iidaysato adeegyada Somhelp, halkan waxaa ku qoran qaar ka mid ah adeegyada iyo taageerada ay bixiyaan: 


Unser Team

Kooxdayadu waxay ka kooban tahay xirfadlayaal iyo shaqaale leh khibrad iyo aqoon dheeri ah oo ku saabsan taageerada bulshada Soomaaliyeed ee Jarmalka. Ujeedkayagu waa inaanu bixino adeegyo tayo leh oo ka caawiya bulshada inay si fiican ugu dhex milmaan nolosha cusub. 

SOMhelp